Safaarada Soomaaliya ee wadanka Liibya ayaa maanta shaacisay magacyada 3o ruux oo ka mid ahaa tahriibayaal Soomaali ah kuwaasi oo ku geeriyoodeen biyaha u dhexeeya Liibya iyo Talyaaniga.
Doonida ay dadkan la socdeen ayaa la waayey 14-kii bishan Janaayo kadib markii ay ka dhaqaaqday xeebaha Liibya ayna u jiheysatay dhanka Talyaaniga.
Liiska ay safaarada soo bandhigtay ayaa ah 30 ka mid ah 56 ruux oo Soomaali ahaa oo doonida la waayey la socday. Waxaana qaarkood iyagoo meyd ah ku soo caariyeen xeebta magaalada Misraata ee wadanka Liibya halkaasina lagu aasay usbuucaan.
Qaar kale oo dadkii doonta saarnaa ah ayaan weli wax war ah laga heyn nolol iyo geeri toona.
Haddaba waa kan liiska ay maanta soo saartay safaarada Soomasaliya ee Liibya:-
1- C/Qaadir Maxamed Jimcaale (Waa la la’yahay)
2- Muxuyadiin Xaaji C/laahi Fiidoow (Waa la la’yahay)
3- Mowliid Xuseen Cabdi Qoobdheer (Waa la la’yahay)
4- Shiikh Xasan Cali Xaanshi (Waa la la’yahay)
5- Xasan Mowliid Cismaan “Jees Bile” (Waa la la’yahay)
6- Maxamed Aadan Hurwaa (Waa la la’yahay)
7- Aadan C/qaadir Aadan “Aadan Baale” (dhintay)
8- Xuseen Cali Garaash (Waa la la’yahay)
9- C/raxmaan Maxamed Nuur “Amaan” (Waa la la’yahay)
10- Liibaan Xasan Ibraahim (Waa la la’yahay)
11- Maxamed Feysal B/weyn (Waa la la’yahay)
12- C/maalik Xasan Shiikh Ibraahim (Waa la la’yahay)
13- Saciid Maxamed Faarax (Waa la la’yahay)
14- Cali Faarax (Waa la la’yahay)
15- Dhaqane Maxamed Ciiloow (Waa la la’yahay)
16- Saleymaan Sabriye Siyaad (Waa la la’yahay)
17- Cali Maxamuud Cawad (Waa la la’yahay)
18- C/risaaq Maxamed Nuur “Ruush” (Waa la la’yahay)
19- C/raxmaan Maxamed Macalin Gurey “Xaam” (Waa la la’yahay)
20- Xasan Maxmed Cali gaab (Waa la la’yahay)
21- C/qaadir Farax Xiriyo “Madaxay” (Waa la la’yahay)
22- C/fitaax Guuleed Cabdalle (Waa la la’yahay)
23- Ismaaciil Xuseen Barre (Waa la la’yahay)
24- Cabdi Muxudiin Guure “Cabdi Faroon” (Waa la la’yahay)
26- Naciimo Cabdi C/laahi (Waa la la’yahay)
27- Malyuun Cumar Axmed (Waa la la’yahay)
28- Nafiso Cilmi Siyaad (Waa la la’yahay)
29- Maryan Xuseen Cali (Dhimatay)
30- Aniso Macalin Gureey (Waa la la’yahay)


