Gudoomiyaha degmada Xamar-jajab ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cali Axmed oo warbaahinta ku qaabilay gudaha degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in Maamulkoodu ay wadaan howlgallo lagu burburinayo dhismooyinka sharci darida ah ee ku yaal kasoo horjeedka dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho iyo olole ka dhan ah dhismooyinkii hore looga saarayo dadka shacabka ah ee degan.
Max’ed Cali Axmed ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisu uu ku guulaystay joojinta dhismo sharci daro ah oo laga waday mid ka mid ah dhismooyinkii ay laheyd wasaaradda waxbarashada hidaha iyo dhaqanka ee dowladdii dhexe, isagoo tilmaamay in shacabka looga baahanyahay in muddo 12-maalmood gudahoodu ay ku baneeyaan meelaha ay degan yihiin.
Gudoomiyaha degmada Xamar-jajab ee dowladda KMG Soomaaliya waxa uu dhinaca kale ugu baaqay shacabka degan degmadaasi inay ka shaqeeyaan xaqiijinta ammaanka degmada islamarkaana ay ka feejignaadaan waxyaabaha qal qalka ku keeni kara xasiloonida degmadaasi.


