b_480_322_16777215_0_http___cdn-somali.alshahid.net_wp-content_uploads_2012_01_qaraxa.jpg

Qof naftii hure ah ayaa gaari caasi ah saaka ku qarxiyay albaabka hore ee xarun ay ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah.

Aadan Cabdulle oo ka tirsan ciidamada taageersan dowladda KMG ah ayaa sheegay in xarunta la beegsaday ay ku sugnaayeen ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaaliya wallow uusan sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Dad ka ag dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in guryo dhowr ah ay u dumeen xajmi qaraxa awgiis.

Xarakada Alshabab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxaana afhayeenka howlagalada Alshabab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlay Idaacada Al-Andulus sheegay in askar badan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira ay ku dileen qaraxa saaka.

Qaraxaasi kadib ayaa Ciidamada Ethiopia ee magaalada Baladweyne waxay sameeyeen howlgal ay ku soo qabqabteen dad lala xiriirnayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada Itoobiya oo ay kaabayaan kuwo Soomaali ah ayaa dhamaadkii sannadkii tagay soo galay Baladweyne, waxaana tan iyo markaas dhacay dhowr qarax oo lala beegsaday ciidamada magaalada qabsaday.

Add comment


Security code
Refresh