b_600_450_16777215_0_http___radiomuqdisho.net_wp-content_uploads_2012_01_Sequence-38.Still008.jpg

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah loogaga furay xafiiski siyaasada Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya UNPOS.

Munaasabad balaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa waxaa madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiiq Axmed uu uga gudoomay warqadahiisa aqoonsiga ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey xaflada ayaa balan qaaday in ay siin doonaan xafiiska UN-ka ee Soomaaliya gacanta uu uga baahanyahay isaga oo intaasi ku daray inuu ku qabo kalsooni.

Mr Mahiga oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay farxad tahay in 16 sano kadib in Muqdisho loo soo raray xafiiska UNPOS.

“Maanta waxaan rabaa in aan idiin sheego in lasoo celiyey xafiiski UNPOS 16 sano kadib taasi waxay ka danbeysay marki ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowlada ay juhdi badan ku bixiyeen in ay xoreeyaan caasimada, xafiiskaan oo 16-sano ka hor la sameeyey maanta waxaa la keenay Soomaaliya,” ayuu yiri.

Xafiiska ayaa ku shaqeyn doono xarunta AMISOM ee Xalane halkaas oo loogaga sameeyey xarun weyn.

Add comment


Security code
Refresh